Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka laabtay qodobo ku jira Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika

4 October, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in ay ka reebtay qodobo dhowr ah oo ku jiray Axdiga…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in ay ka reebtay qodobo dhowr ah oo ku jiray Axdiga Xuquuqda Carruurta Afrika, kuwaas oo ay sheegtay in ay khilaafsan yihiin shareecada Islaamka iyo dastuurka dalka. Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in qodobadaas ay yihiin kuwo aan la waafajin karin diinta suuban ee Islaamka.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in qodobada laga reebay ay ka mid yihiin mamnuucidda guurka ka yar da’da 18 sano, qodobka da’da lagu go’aaminayo qaangaadhnimada, iyo sidoo kale qodobka la xiriira korsashada carruurta (Adoption), iyadoo lagu beddelay nidaamka Islaamiga ah ee “Kafaalada”.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in diinta Islaamka iyo dastuurka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah leeyihiin, sidaas darteedna aan la aqbali karin wax kasta oo kasoo horjeeda. Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in waalidka Muslimka ahi uu mas’uul ka yahay diinta, nolosha iyo tarbiyadda ilmihiisa, taasina ay tahay arrin aan lagu xadgudbi karin.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay in go’aankan uu yahay mid ilaalinaya diinta, dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo carabka ku adkaysay in Soomaaliya aysan aqbali doonin heshiis ama axdi caalami ah oo si toos ah uga hor imanaya shareecada Islaamka.