Raysal Wasaare Xamse ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey ciidanka daraawiishta Puntland ee gobolka Bari ka wada hawlgal baaxad leh oo ay ku sifaynayaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada Daacish.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in taliska xoogga dalka iyo wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ay diyaar ula yihiin Puntland taageero walba oo ay u baahato si looga taqaluso maleeshiyaadka Daacish.
Ciidanka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday hawlgal lixaad leh oo ay dhabarka uga jabjyeen maleeshiyaadka Daacish, iyagoo dilay xubno badan oo ajnabi ah, islamarkaana kala wareegay sadhigyo badan oo ay ku dhuumaalaysanayeen.
Horseed Media