Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa daahfurtay wajiga 2aad ee Mashruuca Wadajirka ah ee Nabadda &…

Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa daahfurtay wajiga 2aad ee Mashruuca Wadajirka ah ee Nabadda & Ilaalinta Haweenka oo ay fulintiisa qaaday Wasaaradda haweenka xukuumadda Federalka ah ee Somalia.
Mashruucaan oo uu taabagelinaayo barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP ayaa waxaa muddada uu socdo ka faa’iidaysanayaan Gobolka Banaadir, Maamulada Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Jaantuska ka faa’iidaystayaasha mashruucaan ayaan guud ahaanba lagu xusin maamulka Somaliland, waxaana sidoo kale ka maqan maamulka dhawaan galka ah ee Waqooyi Bari oo muddo laba cisho gudohood ah waayey mashruuc weyn oo dalka laga qaban doono.

Waqooyi Bari ayey dowladda federalka ah ee Somalia u sababaysay inuu ka dambeeyey xilligii la dalbayey inta badan mashaariicda loo fasaxay dowladda, qaadan doona muddo dhawr sano ah.




