Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ku wareejiyey deeq raashin ah oo loogu talogalay 600 qoys

Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al-Rumaithi.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, isagoo ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siiyo qoysaska sida dhabta ah ugu baahan.
Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota, Dowladda Imaaraatka Carabta ay dalka soo gaarsiin doonto gargaar baniโaadannimo oo dhan 7,000 oo tan, si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan-qabad iyo taageero nololeed.
Horseed Media