Dowladda iyo Koonfur Galbeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii Daynuunaay.

Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa guulo ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay inta u dhexaysa…

29 March, 2026
dagaal galmudug wisil

Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa guulo ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay inta u dhexaysa degmada Buurhabaka iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda oo sheegtay inay dagaalka guulo ka gaartey kuna jebisay Alshabaab ayaa ku eedaysay Madaxweyne Lafta-gareen inuu gacan saar la leeyahay Alshabaab.

Dhankiisa afhayeen u hadlay Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidankii ka yimi Buurhakaba kala jabeen ayna jiran saraakiil dhankooda usoo wareegi doona, wuxuuna dowladda ku eedeeyeu inay duqayn ku dishey dad rayid ah.