War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaas loogu sheegay in…

War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaas loogu sheegay in Wasaaraddu aqbashay siyaasadda dal ku galka Somaliland ee [Visa On Arrival].
Qoraalka Jarmalka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka haysta dhalashada dalkaasi ee ka degaya Magaalooyinka Hargaysa, Boorame, Berbera, Burco iyo Ceergaabo inay dal ku galka [Visa] ka qaadan karaan madaarada magaalooyinkaas Somaliland.
Dhinaca kalena, dowladda Jarmalku waxay muwadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni, caafimaad & nololleed ee gobolka gaarka dhulka Soomaalida oo aad u hooseeya iyadoo kula talisay inay is ilaaliyaan.

Tallaabadaan ayaa sii kordhinaysa cadaadiska ka dhanka ah qorshaha Dowladda federalka ah ee Somalia ku amartay in Visa On Arrival laga dalban karo Muqdisho, iyadoo ay horay u qaadeceen Puntland, Jubbaland iyo Somaliland.



