Dowladda federalka ah ee Somalia oo war ka soo saartay qabsoomidda dibad-baxyada ay ku baaqeen siyaasiyiinta…

Dowladda federalka ah ee Somalia oo war ka soo saartay qabsoomidda dibad-baxyada ay ku baaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaacisay inay kaliya ogoshahay in lagu qabto isu-soo baxyadaasi garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisaw.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa warbaahinta u sheegay inaan la aqbli dooni fawdo iyo qalqalin amni lana raaci doono habraacyada dowladdu dejisey.
“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta.”
Dhankiisa Wasiirka amniga Somalia Cabdullahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay,“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii banaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”
Siyaasiyiinta ee Mucaaradka ayaa ku dhawaaqday in Axadda 7-da subaxnimo banaanbax uu ka bilaaban doono Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo dhul-boobka, burburinta guryaha iyo cagafta xawliga uga shaqaysay Magaalada Caasimadda ah.



