Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysay weerar gelinkii hore ee xalay ka dhacay saldhigga dhexe…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysay weerar gelinkii hore ee xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Magaalada Garoowe, kadib markii ciidamo hubaysani iskudayeen inay la baxaan askari laga soo xiray.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqaaqadu u dhexaysay ciidanka booliska iyo ciidamo kale oo katirsan Daraawiishta Puntland.
Guddoomiye Qaan-qaan ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ay soo weerareen saldhigga dhexe ee Garowe, islamarkaana falkaas uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka tirsan ciidamada daraawiishta.
“Sida wax u dheceen khasaaruhu waa ku yaraa Alle ayaa mahad leh, arrintuna waxay timid markii ciidanka ammaanku qabteen askari katirsan ciidanka Daraawiishta, kadibna askar kale oo ka caraysan ayaa saldhigga soo weerartay hal askar oo katirsanaa ciidanka Daraawiishta ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen haddana wax walba waa deggan yihiiin”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.



