Dowladda Puntland oo cambaaraysay shaqaaqadii xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo

19 January, 2025

Puntland oo ka hadashay is-rasaasayntii xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in sharciga la horgeyn doono dadkii ka dambeeyey

Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakil kale ayaa caawa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waftigaan oo uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ujeedka safarkoodu ahaa xal u helida shaqaaqadii xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo iyo colaadda galbeedka gobolka Mudug.

Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka si loo ilaaliyo deganaanshaha Gobolka, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeynayaan xal waara oo lagu nabadeynayo deegaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa oo saxaafadda la hadlay ayaa si adag u cambaareeyey wixii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyey in ciddii falkaas ka dambaysay aysan cidna ku matalin sharcigana la horgeyn doono waqtigeeda.

Horseed Media