Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay go’aamo cusub oo lagu maamulayo warbaahinta iyo wariyayaasha ka qaybqaadanaya hawlgalka sifaynta argagixisada.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in aan la aadi karin furimaha dagaalka lagula jiro argagixisada iyadoo aan ogolaansho cad laga haysan iyo in aan goobaha hawlgallada lagu casumi karin.
Sidoo kale wasaaradda warfaafinta ayaa go’aamisay inaan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad.
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa in ka badan bil waxay dagaal lagu sifaynayo kula jiraan kooxda argagixisada ee Daacish, kuwaas oo ciidanku ka dileen xubno ajaaniib ah kalana wareegeen saldhigyo badan.
