Dowladda Puntland oo ka warbixisay khasaaraha dagaalkii togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad

5 February, 2025

Dowladda Puntland ayaa warbixin kasoo saartay khasaaraha dagaalkii cuslaa ee ka dhacay togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kaasoo dhexmaray ciidanka Difaaca Puntland iyo kooxda argagixisada Daacish.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee Hillaac ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 57 argagixiso ah oo ajaaniib u badan oo ka tirsanaa kooxda Daacish.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa la wareegay deegaanadii shalay iyo maanta lagu dagaalamay ee inta u dhaxeysa deegaannada Dharin ilaa Qurac ee togga Jeceel, iyagoo gacanta ku dhigay faylal, hub iyo agab kale oo ay lahaayeen kooxda argagixisada Daacish.

Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geesiyaashii ciidankeena ee hawlgalka ku dhintay, kuwaas oo naftooda u huray dadkooda, dalkooda iyo diintooda, inta dhaawaca ahna Alle u weydiisay caafimaad degdeg ah.

Ugu dambayn, waxay Puntland u mahadcelisay saaxiibadda beesha Caalamka ee dhinaca cirka kaga qayb qaatay hawlgalka sifaynta argagixisada Daacish, sidoo kalena waxaa la bogaadiyey isku duubnida dadka reer Puntland.

Horseed Media