Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday inay berri Ramadan tahay

1 March, 2025

Maalinta berri oo sabti ah ayaa la xaqiijiyey inay kow tahay bisha barakaysan ee Ramadaan 1446.

Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisey in la soomi doono berri oo sabti ah, isla markaana kow tahay bisha Ramadaan.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ay wehliyaan qaar kamid ah culimada Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe oo caawa qabtay Shir jaraa’id ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in deegaanada Puntland laga arkay bilasho bisha Ramadaan, sidaas darteedna berri la soomi doono.

Gobolada iyo Deegaanada Puntland Bisha Ramadaan ayey berri oo sabti u tahay maalinka koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Horseed Media