War kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagaga hadlay duqaymo ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaasoo lagu bartilmaameedsaday madax sare oo ka tirsan kooxda argagixisada Daacish.

Duqaymahan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka dhacay dadka deegaanku sheegeen inay ka dhaceen deegaanada Qurac, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan ee gobolka Bari, halkaasi oo ay saldhigyo ku lahaayeen Kooxda Argagixisada Daac*sh.
Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta si ay u garab istaageen ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada.
” Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)
Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan.”

Horseed Media