Dowladda Puntland oo sheegtay inay dishay 20 kamid ah Daacish oo ajaaniib ku jiraan

13 January, 2025

Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo ururka Daacish, kaasoo ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeenka hawlgalka ciidamada Puntland, Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal,iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland.

Afhayeenka, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaaniib, afar ka mid ah ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, saddex kalena ay ka dhaawacmeen, kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay.

Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlay dagaalka.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale.

Horseed Media