Dowladda Shiinaha oo faahfaahin ka bixisay baaqashada wasiirkeedii arrimaha dibadda ee Muqdisho.

10 January, 2026

Safaaradda China ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay baaqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga…

Safaaradda China ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay baaqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee CPC iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya 9-ka Janaayo 2026.

“Isbeddelka jadwalka iyo natiijada wadahadalka saaxiibtinimo ee u dhexeeya wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya awgeed, dhinaca Shiinaha ayaa wax ka beddelay jadwalka booqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee CPC iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Dhanka kalena, Shiinaha ayaa sheegay inuu marwalba garab siin doono ilaalinta madax-banaanida Somalia, ayna si dhaw ula shaqayn doonto dowladda federalka ah ee Somalia, xilli ay Somaliland baahisay in wasiirku Muqdisho uga baaqday sababo ammaan xumo.

“Shiinuhu wuxuu had iyo jeer muhiimad gaar ah siiyaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya. Waxay si adag u taageertaa dadaalka saxda ah ee Soomaaliya ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed waxayna diyaar u tahay inay si wadajir ah ula shaqeyso Soomaaliya si ay si joogto ah u fududeyso qoto-dheereynta iyo horumarinta iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya ee dhinacyo kala duwan.”