Dowladda Shiinaha oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Soomaaliya ee arrinta qadiyadda Taiwan

Published: August 7, 2022

Dowladda Shiinaha ayaa si weyn u soo dhaweysay go’aanka lama filaanka ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrinta qadiyadda Jaziirada Taiwan.

Qoraal ka soo baxay safaarada Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu jiro xiriir dheer oo mudo qarniyo ah kaasoo ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, go’aankan deg dega ahaana uu ku yimid cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labadaasi dal.

“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka qoraalka Shiinaha.

Dowladda federalaka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay siyaasadda China xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan jasiiradda Taiwan ee sheegata inay ka go’aday Shiinaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *