Dowladda Somalia oo baaraysa diyaarado baxsad ah oo adeegsadey hawadeeda.

8 January, 2026

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay bilowday…

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay bilowday baaritaano dheeraad ah kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in hawada sare iyo garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya loo adeegsaday baxsashada hoggaamiyihii Koofurta Yemen Ceydaruus Al-Zubaidi oo u gudbey Imaaraadka Carabta.

Hay’adda ayaa caddaysay in baaritaankan lagu xaqiijinayo saxnaanta wararkaasi iyo in la ogaado in ay jireen wax xadgudub ah oo ka dhan ah shuruucda dalka, habraacyada socdaalka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in haddii eedeymaha la xaqiijiyo, arrintaasi ay noqon doonto xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata.

Dhanka kalena, dowladda Somalia ayaa si cad uga digtay isku day kasta oo ka hor imaanaya heshiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha Yemen, waxayna sheegtay in si joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan wadahadalka siyaasadeed ee ku saabsan xaaladda Yemen.