Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo ak qaadayso shaqsiyaadka iyo dhammaan…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo ak qaadayso shaqsiyaadka iyo dhammaan warbaahintada caadaystay kicinta dadweynaha iyo faafinta been abuurka.
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka ah ayaa shaaciyey inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeed la xiriira aflagaado,isku dirka beelaha iyo faafinta beenta, iyadoo ay jiraan shaqsiyaad loo maxkamadeeyey iyo kuwa baaritaan ku socdo.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in kiisaska noocaan ah ay halis ku yihiin sumcadda shaqsiga iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed tallaabona laga qaadi doono cid walba oo ay ku caddaato arrintaasi.




