Xukuumadda Federalka ah ee Somalia ayaa beenisay warar dhawaan laga faafiyay oo lagu sheegay in Soomaaliya iyo…

Xukuumadda Federalka ah ee Somalia ayaa beenisay warar dhawaan laga faafiyay oo lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta Soomaalida ku sugan dalkaasi.
Xukuumadda Somaliya waxay sheegtay in warbixintaasi ay tahay wax kama jiraan isla markaana uusan jirin heshiis qarsoodi ah oo u ogolaanaya in dib loo celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sweden.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed”, Ayaa lagu sheegay qoraalka.




