Madaxtooyada Somalia ayaa si cad u beenisey hadal uu warbaahinta u sheegay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi…

Madaxtooyada Somalia ayaa si cad u beenisey hadal uu warbaahinta u sheegay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa in Xasan Sheekh ka codsaday inuu joojiyo ololihii “Mahadsanid Madaxweyne” ee gurigaga loogaga dhisayey degmada Marka.
Afhayeenka Madaxtooyada Somalia, Cabdicasiis Goolaf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintaasi ay tahay been abuur iyo olole siyaasadeed uusanna jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.
“Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh & Madaxweyne hore, Maxamed Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in Marko looga dhisay. Sheegashada Farmaajo, waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, islamarkaana aan ka turjumayn masuuliyadda iyo culayska hoggaamineed ee xilligaasi saarnaa Madaxweynaha dalka”, Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Somalia.

Deegaan xeebeedka Ceeljaalle ee degmada Marka ayaa shalay laga daahfuray guri ay dad shacab ah u dhiseen Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



