Dowladda Somalia oo cambaaraysay safiirka Israel u magacawday Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil ay ku magacaabtay danjire u qaabilsan…

4 November, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil ay ku magacaabtay danjire u qaabilsan Somaliland, iyadoo sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci oo ay ku difaacayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hargeysa iyo gobolka Waqooyi-galbeed ay yihiin qaybo aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin tallaabo hal dhinac ah oo wax ka beddeli karta maqaamka dhulka Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay in ay safiir u soo magacawday Hargeysa, iyo dhagax dhigga dhisme ay ku sheegtay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed.

Tallaabooyinkaan la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si bareer ah u jebinayaan madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsanaysaa tallaabooyinkaas kuwo waxba kama jiraan ah oo aan wax saameyn sharci ah lahayn.

Hargeysa iyo gobolka Waqooyi galbeed waxay weli yihiin qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah waxay u baahan yihiin oggolaanshaha Dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigaayo heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Ma jirro tallaabo hal dhinac ah oo baal mari karta shuruuddaas ama wax ka beddeli karta maqaamka dhulka Soomaaliyeed.

Tallaabooyinkaani waxay sii xoojinayaan aqoonsigii sharci darrada ahaa ee Israa’iil ku dhawaaqday bishii Diseembar 2025, kaas oo ay hore u diideen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala qaybsanaanta isla markaana iska indha tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay waxay halis u yihiin in ay sii kordhiyaan xiisadaha ka jira gobolka oo markii horeba xaaladdiisu nugushahay.

Soomaaliya waxay Israa’iil ka sheegeysaa in ay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinksan, waxayna dhammaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqaysaa in ay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo mida sharci ee ku habboon, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.