Dowladda Somalia oo cambaaraysay weerarada Iran ee Khaliijka.

19 March, 2026

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u cambaaraysay weerarrada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku beegsatay…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudiga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u cambaaraysay weerarrada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku beegsatay kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo arrintaasi ku tilmaantay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Somalia waxay sheegtay inay garab taagan tahay dowladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qatar, iyo Imaaraadka, ayna taageersan tahay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda iyo badbaadada muwaadiniintooda iyo dadka ku nool.

“Waxaa jirta baahi degdeg ah oo loo qabo dejinta xiisadda iyo in la bilaabo wada-hadal. Iyadoo ah dal ku yaalla marinno badeed muhiim ah, Soomaaliya waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinnada tamarta ee laf-dhabarta u ah xasilloonida caalamka”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay la shaqeyso dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo xoojiyo nabadda loona ilaaliyo kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta.