Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa saaka bilawday qorshe ay kumanaan katirsan ciidanka Booliska gaarka ah…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa saaka bilawday qorshe ay kumanaan katirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ugu daabulayso deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Qaybihii ugu horreeyey ee ciidankaani oo saaka laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dejin doonaa degmada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Saraakiil katirsan Madaxtooyada Somalia ayaa warbaahinta HM u xaqiijiyey in ciidamadaan oo la geyn doono Shabeellaha Hoose iyo deegaamo katirsan gobolka Baay ay xoojin doonaan kuwa deegaanka iyo kuwa Milatariga DFS.
Dowladda Somalia ayaa doonaysa inay awood ciidan ku fuliso qorsheheeda deegaamada Koonfur Galbeed kadib markii Madaxweyne Lafta-gareen qaadacay waxka-beddelkii dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinkii qof iyo cod oo horay muran siyaasadeed uga taagnaa.



