DFS ayaa wadda qorshe ay dib ugu soo celinayso cadaadiskii bulshada gobolka Gedo, si ay jid…

DFS ayaa wadda qorshe ay dib ugu soo celinayso cadaadiskii bulshada gobolka Gedo, si ay jid ugu bixiso hanaanka xulashada xildhibaanada labada aqal ee doorashooyinka 2026-ka.
Saraakiil ciidan iyo xubno katirsan golayaasha dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa qorshaynaya inay hub iyo ciidan hor leh ku daabulaan gobolka Gedo, iyadoo ay dheertahay xanibaad dhanka duulimaadka ah.
Villa Somalia ayaa doonaysa in shacabka gobolka Gedo oo muddo dheer ku jirey gorgortano siyaasadeed oo is khilaafsan lakala dooransiiyo, Aqbalka qorshaha Villa Somalia iyo xanibaado duulimaadyada rayidka saameyn doona nolosha bulshada.
Xubno horey uga tirsanaa Jubbaland oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa qorshuhu yahay in gaadiid dagaal diyaarado loogu safriyo, si ay fuliyaan damaca dawladda Federaalka.



