Dowladda Somalia oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

18 January, 2026

Dowladda Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane…

Dowladda Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana la sheegay in ciidanku gacanta ku hayaan guud ahaan deegaankaasi.

“Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda Somalia.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.