Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay diyaarad milatari oo aroornimadii hore ee saaka…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay diyaarad milatari oo aroornimadii hore ee saaka ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in diyaaraddaan oo siddey 8 ruux ay ka soo kacday garoonka Balli-doogle kahor inta aysan ku dhicin qaybta Afisyoone ee Madaarka Aadan Cadde.
“Saaka subaxnimadii hore ayaa diyaarado si caadiyan ah uga soo kici jirey Balli-doogle imaana jirey Muqdisho oo ay lahaayeen ciidanka AUSOM gaar ahaan Uganda ayaa ku dhacday qaybta Afisyoone ee garoonka Aadan Cadde, waxaana saarnaa 8 ruux, ilaa haddana ma ogin in waxyeelo gaadhey ama ay caafimaad qabaan”, Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan.