Howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish (ISIS), ayaa…

Howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish (ISIS), ayaa waxaa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo beegsado dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Maadaama howlgalka uu weli socdo, waxaa socda uruurinta macluumaadka ku saabsan qasaaraha gaaray cadowga iyo dhameystirka hadafka guud ee howlgalka, kaasi oo ah taageeridda hawlgallada Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku wajahan ciribtirka Khawaarijta Daacish.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah dalka iyo gobolka.
