Dowladda Somalia oo ka hadashay duqayn ka dhacday safaaradda Qadar ee Kyiv.

10 January, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn lala beegsaday safaaradda dalka Qatar ee ku taala caasimadda Ukraine…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn lala beegsaday safaaradda dalka Qatar ee ku taala caasimadda Ukraine ee Kyiv, uuna ka dhashay khasaare kala duwan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv, taas oo loo geystay duqayn”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Ugu dambayntiina dowladda federalka ah ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.