Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhacdo hadal hayn abuurtay oo maanta…

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhacdo hadal hayn abuurtay oo maanta ka dhacday cisbitalka guud ee Magaalada Hargaysa kadib markii Hooyo Danyar ah oo lagu magacaabo Nimco Jaamac Yuusuf ay isku dishey goobtaan adeegga guud ee caafimaadka caasimadda Somaliland.
Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Somalia ayaa ugu baaqday hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u baaritaan buuxa ugu sameeyaan dhacdada, iyadoo sheegtay in arrintan loo baahan yahay in si caddaalad iyo hufnaan leh loo wajaho.
Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dhacdada, iyadoo tilmaantay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay mudan yihiin daryeel, ilaalin iyo gaarsiinta adeeg caafimaad oo ku filan.
Ugu dambayntiina Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in dhacdada ka dhacday magaalada Hargeysa ay tahay arrin aad u murugo badan oo qalbiga taabanaysa, iyadoo Alle uga baryey marxuumadda inuu naxariistiisa janno ku manaysto.





