Dowladda Somalia oo ka hadashay ololaha shidaal qodista dalka.

6 April, 2026

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda Somalia Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa sheegay in ololaha shidaalka badda Soomaaliya…

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda Somalia Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa sheegay in ololaha shidaalka badda Soomaaliya uu xambaarsan yahay muhiimad ballaaran oo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamiga ah.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X ayuu ku xusay in haddii howlgalkaan uu guuleysto, ay si weyn u xoojin karto rajada Soomaaliya ee kobac dhaqaale oo ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah, ayna xoojinayso xiriirka kala dhexeeya Turkiga.

“Waa fursad beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale saameynta uu ku leeyahay nidaamka tamarta ee gobolka”,Ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Balcad.

Markabka qodista shidaalka ee Cagri Bey uu soo gaaray biyaha Soomaaliya, isagoo shaqada ugu horraysa ee qodista shidaalka badda, bilaabi doona kadib heshiis dhexmaray dalalka Turkiga iyo Somalia.