Dowladda Somalia oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Godka Jilicow.

4 October, 2025

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in abbaare 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ay weerar naf-hurnimo…

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in abbaare 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ay weerar naf-hurnimo ah ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, taas oo ka mid ah xarumaha ay maamusho Hay’adda NISA.

DFS ayaa sheegtay in weerarka loo adeegsaday gaari loo ekaysiiyey kuwa NISA, waxaana howlgal degdeg ah lagu dilay qaar ka mid ah maleeshiyaadka weerarka qaaday, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Dowladda Somalia.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku faanay in dagaalyahanno ka tirsan ay hadda dagaal kula jiraan gudaha xarunta Godka Jilacow.

Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarka,“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee Magaaladda Muqdisho. Duullaankaan waa mid lagu wiiqayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif.