Dowladda federalka ah ee Somali ayaa qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku xakamaynayso dhaqdhaqaaqyada dhanka…

Dowladda federalka ah ee Somali ayaa qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku xakamaynayso dhaqdhaqaaqyada dhanka millatariga ah ee siyaasiyiinta mucaaradka oo muddooyinkii dambe digniino kaga dhawaaqayey Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ku sugan dhammaan goobaha hubinta gaadiidka ee hareeraha Magaalada Muqdisho ayaa amar lagu siiyey inaysan magaalada u soo gudbi karin ciidamo iyo gaadiid hubaysan oo aan qayb ka ahayn kuwa loo xilsaaray ammaanka caasimadda.
Saraakiil dhanka ammaanka ayaa sheegay in tallaabadaan looga golleeyahay sidii looga hortegi lahaa inay magaalada soo galaan hubka culus iyo ciidamo taabacsan xoogagga mucaaradka ee ku sugan Muqdisho.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo shirar kala duwan ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaan la aqbali doonin muddo kororsi iyo doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, aysanna Madaxda dowladdu mandate haysan wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.




