Dowladda Somalia ayaa war ka soo saartay warbixintii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee la xiriirey…

Dowladda Somalia ayaa war ka soo saartay warbixintii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee la xiriirey eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), sida lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa caddaysay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay warbixinnada uu weli si buuxda gacanta ugu jiro WFP, ayna kujirto kaalmada Maraykanku.
Dhanka kalena, dowladda Somalia ayaa sheegtay in bakhaarka WFP ee la sheegay uu ku yaal gudaha aagga Dekedda Muqdisho ayna ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn la xiriira horumarinta dekedda.
Dowladda Maraykanka oo horay u joojisay mashaariicdii horumarinta ee ay siin jirtey Somalia ayaa markaan doonaysa inay joojiso gargaarkii ay ku bixin jirtey arrimaha bini’aadannimo ee Somalia, kadib musuqmaasuq lagu sameeyey.



