Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in dalku wajahayo caqabado aan looga maarmin Masar & Sucuudiga.

24 January, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in dalku wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in dalku wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, una baahan iskaashi lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in mudnaanya koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sugidda amniga marin-biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa uu intaasi ku daray in khataraha amni ee gudaha dalka iyo faragelinta dibadeed ay qasab ka dhigayaan in la helo iskaashi goboleed oo xooggan, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan dalalka Masar iyo Sucuudi Carabiya.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa si adag ugu cambaareeyey tallaabadii Israel dowlad madax-banaan ugu aqoonsatay maamulka Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.