Dowladda Somalia oo looga digey inay daneheeda uga faa’iidaysato maamulka Waqooyi Bari.

3 September, 2025

Wasiirka aan xilka wareejin ee maamulka Waqooyi Bari Somalia Najiib Barkhadle ayaa ayaa siweyn u qaaddacay…

Wasiirka aan xilka wareejin ee maamulka Waqooyi Bari Somalia Najiib Barkhadle ayaa ayaa siweyn u qaaddacay hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Somalia ee ahaa in Laascaanood noqoto goob laga difaaco dowladda federalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in mucaaradku yahay qayb kamid ah dowladnimada loona baahan yahay in wax laga qabto arrimaha ay farta ku fiiqaan haseyeeshee aan looga baahnayn in loogu hanjabo dowladnimada, aysanna macquul ahayn in maamulka cusub looga faa’iidaysto danaha dowladda Muqdisho oo uu sheegay inay waxbadan ka qaladay Waqooyi Bari.

Arrimaha doorashooyinka qof iyo cod ayuu sheegay inay DFS dhibaato xooggan iyo isku dir bulsho ka waddo Magaalada Laascaanood isagoo ugu baaqay in laga waantoobo arrimahaasi.

Wasiirka ayaa horay u sheegay in gobolka Sanaag looga yeeray dad baxsad ah oo aan waxba ku soo kordhin doonin maamulka cusub, isagoo intaasi ku daray inaan dagaal lagu wajihi karin xaaladda gobolka Sanaag iyo kamid noqoshadiisa maamulka.

“Dad baxsada h inaan ugu yeerano dowlad dhiska waxaad moodaa inaysan qabyadeenii weli waxbadan ka tarayn ayna u baahnayd dad intaas ka mudda karsan oo gobolka wax ka gooya inaynu u yeerano, ninka Ceel-buh shirka ku qaban waayey muxuu inoo keeni karaa, waakan yiri tuutaan gashanahaye Sanaag uma baahna tuute iyo dagaal in lagu doono ee waa in dadkeedii la raadiyaa”, Ayuu yiri wasiir Barkhadle.