Dowladda Somalia oo Muqdisho ka celisey ilaalada Madaxda Puntland & Jubbaland.

1 February, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn uga carootay tallaabadii ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland ciidamada iyo hubka…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn uga carootay tallaabadii ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland ciidamada iyo hubka aadka u badan ugu soo direen Magaalada Muqdisho, si ay u sugaan ammaankooda muddada uu socdo shirka Xalane.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia ayaa amray in ciidamadaan hakad lageliyo imaanshohooda Muqdisho, sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay dhinacyada ku aaddan habraaca amniga iyo ka qaybgalka shirarka Talaadada ka qabsoomi doona Magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo ay ka qaybgalayaan masuuliyiin sare, laguna lafa-gurayo sida xal siyaasadeed iyo mid amni loogu heli karo xaaladda soo korortay, laguna dejinayo xaaladda, isla markaana laga hortago wax kasta oo carqalad ku noqon kara wada-hadallada iyo shirarka loo ballansan yahay.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo walaac ka muujiyey ammaankooda Muqdisho ayeysan ahayn markii ugu horreysey ee ay ciidamo u kaxaystaan Muqdisho, waxaana sidaan oo kale ay ku galeen 2020 xilligaas oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh la safnaa hoggaamiyayaashii mucaaradka iyo madaxda labada maamul oo ay is hayeen dowladdii Farmaajo.