Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad u magacowday Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad u magacowday Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka ku-xigeenkiisana loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac (Galow).
Taliska Qaybta 26-aad ayaa sidaas uga guuraya xaruntii taariikhiga ahayd ee Hargeysa, waxaana Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya oo loo asteeyey inuu ku sii shaqeeyo, xilli ay dhawaan xukuumadda Somalia mushahar u fasaxday 2,500 oo kamid ah ciidamada maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Qaybta 26-aad waxay ka mid ahayd qaybihii waaweynaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilligii dowladdii dhexe, iyadoo xarunteedu ay ku taallay magaalada Hargeysa, iyadoo magacaabista saraakiishaan cusub ay qayb ka noqonayso tallaabooyin ay DFS ku xoojinayso joogitaankeeda Bariga iyo Waqooyiga Somalia.





