Dowladda Somalia ayaa rajo weyn ka muujisay dedaalada qodista shidaalka kujira xeebaha iyo qaar kamid ah…

Dowladda Somalia ayaa rajo weyn ka muujisay dedaalada qodista shidaalka kujira xeebaha iyo qaar kamid ah deegaamada berriga ah ee dalka, xilli ay arrimahaasi heshiis kula gashay dowladda Turkiga.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa shaaciyey in qodista shidaalka Somalia la gelin doono adduun lacageed oo dhan saddex boqol oo Million oo dollar ayna rajaynayaan in dalku shidaal qani ku yahay.
“Saddex boqol oo Million oo dollar meel ciyaar lagu gelin maayo, rajadeenuna waa in shidaal ceegaagu Somalia, laakiin hadda lama sheegi karo inta foosto ee kujirta waxay caddaan doontaa marka wax walba oo loo baahan yahay soo dhammaadaan”, Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.
Qaybo kamid ah xeebaha ku teedsan badweynta Hindia gaar ahaan qaybta Galmudug iyo deegaamo katirsan dhulka dibirka ah ee gobolada Sool iyo Nugaal ayaa kamid ah ceelasha lagu tuhunsan yahay shidaalka ugu badan ee Somalia.



