Dowladda Somalia oo shaacisay in abaartu saamaysay 7 million oo qof.

14 February, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaadday in abaarta baahsan ee ka jirta guud…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaadday in abaarta baahsan ee ka jirta guud ahaan gobolada dalku ay saamayn xooggan ku yeelatay malaayiin ruux oo ku sugan miyi, tuulooyin iyo qaybo kamid ah magaalooyinka waaweyn.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey kulan ka qabsoomay Muqdisho ayaa sheegay in abaartu ay saamayn ku yeelatay in ka badan 7 Million oo ruux.

“7 milyan oo Soomaali ah ayaa caawa wajahaya xaalad adag oo biyo la’aan, cunta la’aan iyo caafimaad darro ah”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia.