Dowladda Somalia oo shaacisay in bishii Shawaal laga arkay qaybo kamid ah dalka.

29 March, 2025

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay maalinimada berri ah oo…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay maalinimada berri ah oo ku beegan 30-ka March 2025 ay ku beegan tahay 1da bisha Shawaal ee Ciidul Fidri.

Mas’uuliyiin katirsan wasaaradda Awqaafta xukuumadda Somalia oo ay weheliyaan xubno katirsan culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in bilashada bisha Shawaal laga arkay qaybo kamid ah magaalooyinka Soomaaliya lana dhaawriyey shaqsiyaadkii arkay.

“Waxaan xaqiijinay oo bishii laga arkay wanla wayn , Hargaysa Caabudwaaq , Beledxaawo , Fadhi Garaad oo ku taala Xuduudka Itoobiya oo afar qof ay arkeen , Garisa iyo meelo kale waana la dhaariyey”, Ayaa lagu yiri warka dowladda.