Dowladda Somalia oo shaacisay in hawlgal lagu diley 9 katirsan Alshabab.

Dowladda Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal ay ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen…

4 April, 2026
Ciidamada Nabad Sugidda oo howlgal ka fuliyey magaalada Muqdisho

Dowladda Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal ay ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen deegaamo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, oo xarumo u ahaa kooxda Alshabaab.

Howlgalladan waxaa lagu dilay 9 xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabaab, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa, sida lagu sheegay bayaanka NISA.

NISA waxay sheegtay in hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Alshabaab ku kaydsanaysay matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.