Dowladda Somalia oo shaacisay inay dishey xubintii hogaanka Alshabab ka bedeli lahayd Axmed Diiriye.

3 January, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuummadda Federaalka ah Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalo is xig…

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuummadda Federaalka ah Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalo is xig xigay oo Ciidanka qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ahi ka fuliyeen gobolada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horayn xaqiijiyey in la khaarajiyey horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay kooxda guddaheeda( Eng Ismaaciil) kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada, amniga guddaha iyo hawlgalada dibadda ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa intaas ku daray in Eng Ismaaciil loo diyaarinayey inuu noqdo horjoogaha bedeli doona Axmed Diiriye oo xilligaan hormuud u ah kooxda Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.