Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday in xanuunka Qawracatadu uu dhibaato ba’an ku hayo…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday in xanuunka Qawracatadu uu dhibaato ba’an ku hayo qaar kamid ah maamulada dalka iyo magaalada Muqdisho.
Wasiirka caafimaadka xukuumadda federalka ah ee Somalia Dr. Cali Xaaji Aadan Cali oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa shaaciyey in kiisaskii ugu badnaa ee xanuunka qawracatada laga helay gobolka Banaadir, Puntland iyo Maamulka Hirshabeelle.
Arrintaan ayuu wasiirku u aaneeyey inaan sidii saxda ahayd loo bixin tallaalka xanuunkaasi isla markaana ay xilligaan la ildaran yihiin boqolaal shacab ah kuwa kalena u geeriyoodeen.




