Dowladda Somalia oo shaacisay xogta horjoogayaal Alshabab ah oo la diley.

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka…

27 January, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka dowladda Somalia iyo saaxiibada caalamku ku beegsadeen horjoogayaal katirsan kooxda Alshabaab.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyey in ciidanku hawlgallo qorshaysan ku dileen horjoogayaal sarsare oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in ciidanka dowladdu dileen Horjooge Cabdullaahi Wadaad oo kooxda Alshabaab u qaabilsanaa arrimaha sakawaadka iyo dhaqaalaha laga ururiyo gudaha dalka.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in sanadkii dhammaaday ee 2025 ay ciidanku dileen horjoogayaashii ugu badnaa ee Alshabaab,”Sanadkii 2025 waxaa la beegsaday horjoogayaashii ugu badnaa ee Khawaarijta.“ ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shaaciyey Liiska Horjoogayaasha la dilay oo dhagarqabihii soo maleegay qaraxii lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha uu ku jiro.