Taliyaha guud ee ciidanka difaaca xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaalka…

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidamada xoogga iyo dadka deegaanku kula jiraan kooxda Alshabaab ee ku sugan qaybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Gen. Odawaa oo la hadlayey ciidamo loo diyaariyey dagaalka Alshabaab ayaa sheegay in kooxaha nabaddiidka waqtigoodu dhammaad yahay isla markaana ay go’adoon kujireen labadii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna faray ciidamada dowladda inay u diyaar garoobaan dagaal naf hurnimo ah oo looga saarayo dhammaan deegaamada ay gacanta ku hayso Alshabaab.
“Khawaarijtu waa naf-lacaari laba sano go’adoonsanaa, waana waajib in dagaalka aan ku jirno uu noqdo mid geesinimo iyo go’aan leh.” Ayuu yiri General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayey ciidamada.
Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay qaybo badan oo kamid ah deegaamada maamulka Hirshabeelle ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidanka dowladda, dadka deegaanka iyo Alshabaab.