Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey arday u…

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey arday u dhalatay dalka Suudaan oo deeq waxbarasho ka helay Dowladda Soomaaliya.
Ardayda reer Suudaan oo ku biiri doona sanad jaamacadeedka cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa la sheegay inay heleen deeq waxbarasho.
Wasiir Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la illaawi karin.
Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qeybtii ugu horreysay.



