Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa war rasmi ah ka soo saartay xiisaddii…

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa war rasmi ah ka soo saartay xiisaddii ka dhacday Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux.
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiir Cali Xoosh ayaa lagu sheegay inuu nasiib darro ahaa dagaalkii ka dhacay Magaalada Boorama, ayna ahayd inuu arrintaasi ka baaqsado maamulka Somaliland oo degmadaasi gacanta ku haya.
“Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inuu u turo shacabka, lana dhegaysto dareenkooda lagana hortago dhammaan ficilada xaaladda uga sii daraya”, Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.




