Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku bilowday askar lagu eedeeyay tacaddi loo geystay maxbuus dagaal

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaan ku bilowday xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga…

31 August, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaan ku bilowday xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo baraha bulshada ku faafiyey muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal, xilli ciidamada ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaanka Basra.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qaaday kadib markii muuqaalka uu ku faafay baraha bulshada, iyadoo ciidanka lagu eedeeyay falal ka baxsan anshaxa iyo xeerarka u degsan ciidamada. Baaritaanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xaqiijinayo xaqiiqada dhacdada iyo cidda ku lug lahayd.

Bayaan ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in falalka noocan ah ay dhaawacayaan sumcadda iyo sharafta Ciidanka XDS, isla markaana aan loo dulqaadan doonin xadgudubyo ka dhan ah maxaabiista, waxaana lagu xusay in ciidamada laga doonayo inay dhowraan xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.