Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gunaanaday kulan shan cisho ah oo ku saabsanaa dib u qiimeynta mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada.

29 August, 2025

Shirkan waxaa mudadii uu socday ka qeyb galay wasaaradaha federaalka ee ka faa’iideysta mashruuca, maamul-goboleedyada, Bangiga Adduunka iyo hawlwadeennada u xilsaaran fulinta mashruucaan oo ah mid loogu talagalay wanaajita kaabayaasha dhaqaale .

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga falanqeeyay horumarka iyo guulaha illaa hadda laga gaaray mashruuca, iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay qorshe cusub oo lagu dardar-gelinayo dhameystirka daraasadaha waddooyinka dalka inta ka hartay muddada mashruuca ee halka sano ah.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur ayaa uga mahadceliyay hawlwadeennada mashruuca, Bangiga Adduunka, wasaaradaha federaalka iyo maamul-goboleedyada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen mashruuca.

Wasiirku,waxa uuna ku booriyay dhammaan bahda mashruuca inay sii dardar-geliyaan hawlaha socda, isagoo xusay in horumarinta kaabayaasha waddooyinka ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka iyo koboca dhaqaalaha.