Dowladda Soomaaliya oo diyaarinaysa istaraatiijiyad cusub oo hubka iyo rasaasta ah.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas…

12 November, 2025

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirka Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, kaas oo la qabto labo jeer sannadkii, iyadoo kulankan diiradda lagu saaray ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta 2025–2030.

Shirka ayaa waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca iyo wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga sida Booliska, NISA, Asluubta iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa wakiillo ka kala socday Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera dadaallada lagu xoojinayo maareynta hubka iyo rasaasta dalka.

Mas’uuliyiinta ka qayb-gashay shirka ayaa si wadajir ah uga dooday sidii loo dardargelin lahaa fulinta istaraatiijiyadda cusub, loona xaqiijin lahaa in hubka iyo rasaasta dalka si hufan loo diiwaangeliyo, loona maamulo si waafaqsan shuruucda iyo heerarka caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday heshiis guud oo lagu ansixinayo istaraatiijiyadda cusub, iyadoo lagu ballamay in Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka ay u gudbiso Golaha Wasiirrada si loo meelmariyo loona bilaabo hirgelinteeda rasmi ah.